Ra’iisul Wasaare Kheyre oo dhagax dhigey Jidka Soddonka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta dhagax dhigey dhismaha Jidka Soddonka oo is ku xirta dagmooyinka dhowr ah oo ka tirsan gobolka Banaadir,waxaana dhaqaalaha ku baxaya iska kaashanaya maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka Soomaaliyeed.

Godoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Thabit Cabdi Maxamed oo furitaanka Wadada ka hadlay ayaa tilmaamey in shacabka Muqdisho looga baahan yahay inay la shaqeeyaan dawladda, ayna ka qeyb qaataan horumarka ka socda caasimadda si looga gudbo dhibaatooyinka ka dhex jira Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya. Waxuuna cadeyey in Dawladda Hoose ay qeyb muhiima ka qaadaneyso dhismaha waddooyinka iyo sugidda amniga caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlay furitaanka dib-u-dhiska Jidka Soddonka ayaa sheegay in dhismaha wadooyinka caasimadda ay ka qayb qaadanayaan xasilinta aminiga Muqdisho, isla markaana bilow u tahey in shacabku helaan adeegyadii ay dawlada uga baahnaaayeen sida Caafiimad,Wadooyin iyo Amni.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmayaa inay ka shaqeeyaan dib-usoo-celinta billicda dalka iyo dib-u-dhisida caasimada, iyagoo la kaa shanaya hoggaankooda”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre.

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa bilihii lasoo dhaafey sameenayey waddooyin muhiim u ah isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ku dhex shaqeeya Caasimadda.

2 2 6Z0A59306Z0A59506Z0A59516Z0A5959

Faafintii Puntland Post