Nin hubeysan oo 3- Ruux ku toogtay Caabud Waaq 10-kalena dhaawacay

PP (Caabud-Waaq) Wararka naga soo gaaraya magaalada Caabud Waaq ee woqooyiga Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaaliya ayaa ku waramaya in nin hubeeysan uu rasaas ku furay dad barakacayaal ah.

Ninkaan oo ku hubeysanaa qoriga AK47 ayaa ka carooday qaabka raashin loogu qeeybinayay dad barakacayaal ah oo ku sugnaa goob Kaam ah oo dadkaasi ay daganaayeen.

Inta la xaqiijiyay ilaa 3 qof ayaa geeriyootay halka in kabadan 10 ruuxna ay dhaawacmeen waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dhimashada iyo dhaawaca ay intaasi ka badan karto.

Ninka falkaasi geystay ayaa isaga baxsaday goobta sida goobjoogayaal ay warbaahinta PUNTLAND POST u sheegeen.

falkaan arga-gaxa leh ayaa waxaa si aad ah uga naxay shacabka ku dhaqan magaalada Caabud Waaq ee woqooyiga Gobolka Galgaduud.

Masuuliyiinta degmada Caabud Waaq ayaan ka hadlin ilaa iyo iminka falkaasi hayeeshee waxaa xusid mudan in falalka ceenkaan oo kale ah ay ka dhacaan gudaha magaalada Caabud Waaq oo dad rayid ah koox hubeysan ay rasaas ku furto.

Faah Faahinta dib kala soco Insha allah 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post