Madaxweyne Gaas oo Ka Hadlay Xiisado Ka Soo Cusboonaaday Gobolka Mudug.

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shalay dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka hadlay dagaal beeleed u dhexeeya malayshiyaad ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug oo kadhacay duleedka Balli-busle.

Madaxweyne Gaas, ayaa ugu baaqay bulshada reer guuraaga ah ee ka soo kala jeedda labada dhinac inay ka shaqeeyaan ammaanka, islamarkaana xal laga gaaro wixii xasilooni darro abuuraya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ay ka go’an tahay in laga shaqeeyo nabadgelyada iyo deris wanaaga gobolka Mudug.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta xaaladdu degan tahay islamarkaana odayaasha iyo waxgaradka labada dhinac ku baaqeen xabad joojin deg deg ah.

GAROOWE

PUNTLAND PSOT