Madaxweynaha Jubbaland oo ku Wajahan Cadaado

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku wajahan magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Gal-Mudug.

Qaban qaabo balaaran oo lagu soo dhoweeynayo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka socoto Magaalada Cadaado.

Axmed Madoobe ayaa ka qeeybgali doono caleema saarka madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Dhanka kale waxaa magaalada Cadaado ku sii qul qulaya Masuuliyiin kala duwan waxaana sidoo kale ku wajahan Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Juxa.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post