Baarlamaanka Jubbaland oo Xubinimida Kala Laabtay Labo Xubnood

Xildhibaanada Baarlamaanka  dowlad Goboleedka Jubaland o maanta kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas  ayaa  xubinimada kala laabtay labo xubnood oo ka tirsanaa Baarlamanka.

Kulan  aan caadi ahayn oo ay maanta yeesheen Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa manta waxaa shir Gudoominayey Gudoomiyaha Baarlaaanka Sh Cabdi Maxamed Cabdiraxman  iyada oo ay soo xaadirtay 41 mudane  waxaana ugu horayn Guddiga Anshaxa baarlamanka ay soo bandhigeen waxyaabaha ay u cuskadeen xubnaha kala ah 1-Xildhibaan cabdiqadir Ibraahim Cali iyo 2-Maxamed Cali yusuf kuwaasi oo ay Gudiga Anshaxa ku eedeeyeen in ay jabiyeen dastuurka dawlad goboledka Jubaland

Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Jubba-land Waxay  soo jeediyeen ayna ku  raacaan gudoonka iyo xubanaha baarlamanka soo jeedintooda waxaana  halkaasi ay ka aqriyeen qoraal dheer oo laga soo diyaariyey labada xubnood ee maanta lagala laabtay xubinmadii  baarlamaanka Jubaland.

Waxaa xusid mudan in labadaan xubnood ay dhowaan Muqdisho kaga dhawaaqeen in ay mucaarad ku yihiin Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe eedeeymo badana u jeediyay.

Hoos ka Daawo Sawiro.

 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post