Shirka dalalka G7 oo looga hadlay dhibaatada Tahriibta

Dalalka ku horumaray warshedaha iyo dhaqaalaha Adduunka G7 ayaa uga hadlay shir khamiistii lasoo dhaafay uga furmay dalka Talyaaniga arrimo ay ka mid yihiin argagixisada, heshiiskii Paris ee isbeddelka cimilada iyo weliba dhibaatooyinka tahriibta.

Raysal wasaaraha Ingiriiska Theresa May oo si weyn daba uga riixaysa in shirkaan laga soo saaro qodobo wax looga qabanayo  Argagixisada , halka dalalka Jarmalka iyo Faransiisku xooga saarayeen sidii wax looga qaban lahaa Isbedelka Cimiladda iyo Taabo galinta Heshiiskii Paris.

Sidoo kale Dowlada Talyaaniga ayaa iyadu ka dhawaajisay in dhibaatada muuqata ee bini,aadamku maanta tahay sidii wax looga qaban lahaa muhaajiriinta kusoo qul qulaya wadamada midowga Yurub.

Shirkaan ayaa lagu casumay qaar ka mid ah madaxda dalalka Qaarada Africa sida Kenya, Itoobiya,Niger, Najeeriya,Tunisa iyo qaar kale oo lagala hadlayo sidii ay dhalinyaradooda ugala dagaalami lahaayeen tahriibta.

Garowe.

PUNTLAND POST