Madaxweyne Gaas oo Bisha Ramadaan ugu Hambalyeeyay Umadda Puntland kana hadlay amaanka Puntland

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas oo Safaro dhanka Dibada ah ku marayay qaar kamid ah wadamada Yurup ayaa gaaray magaalada Nairobi.

Madaxweyne Gaas oo warfiyeenada la hadlay ayaa sheegay in guul ay ku soo dhamaadeen safaradaasi uu ku tagay Wadamada Yurup.

Madaxweynaha ayaa umadda Puntland ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakeeysan ee Ramadaan oo xalay dhalatay.

Madaxweyne Gaas ayaa soo hadal qaaday arimo la xariira dagaalka Daacish iyo amaanka Puntland waxaana uu sheegay in Puntland ay gacan bir ah ku qaban doonto Amaankeeda.

ugu dambeeyntii Madaxweeyne Gaas ayaa soo gaba gabeeyay socdaaladaasi uu ku tagay wadamada Yurup waxaana lagu wadaa in  uu maanta dib ugu laabto Garoowe.

Hoos ka dhageyso Codka Madaxweynaha.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post