Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Madaxweynaha dowlada Federaal Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo waftigii uu hogaamiyey ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Madaxweyne Farmaajo iyo waftiga la socday oo ay ka mid ahaa yeen Wasiirada Arimaha dibada, Gaanshaandhiga iyo Qorsheynta ayaa muddo dhowr bari ah booqashooyin ku soo maray dalka Sucuudiga, Jabuuti iyo Qadar.

Madaxweyne Farmaajo iyo waftiga la socday ayaa in ta ay dalalkaas booqashooyinka ku marayeen la kulmay madaxda dalkaas iyo Madaxweynaha Mareykanka Downd Trump iyagoo kawada hadlay arimaha Amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Farmaajo iyo waftiga la socda ayaa booqadashadoodii ugu danbeysay ku soo gabagabeeyay dalka Qadar.

Liban Yusuf
PUNTLAND POST