Hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa Puntland oo soo bandhigtay Axdiga adeegga dadweynaha

Hay’adda Astaynta maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa dowladda Puntland ayaa Garowe ku qabatay shir ballaaran oo lagu lafa garurayay  ansixinta iyo meel marinta Axdiga adeegga dadweynaha Puntland, (puntland Public service delivery charter) axdigaan oo hagi doona shaqaalaha kala duwan iyo xubnaha la doorto ee dawladda, wuxuu ahmiyad weyn siinayaa  in  dadweynuhu  helaan adeeg tayadiisu sarreyso.

Shiraka oo ay ka soo qayb galeen aqoon yahanno, indheer garad ka kala socda bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa halkaas waxaa ka hadlay ugu horeyn Agaasimaha Guud ee hay’adda Astaynta maamul wanaagga iyo la dagaallanka musuqmaasuqa dowladda Cabdiraxmaan Cali Guureeye wuxuuna sharraxaad ka bixiyey ujeeddada laga leeyahay Axdiga adeegga dadweynaha ee dowladda Puntland, waxa uuna yiri; “axdigani waa Heshiis iyo ballan qaad  ay wada galayaan dawladda iyo shaqaaleheeda, dowladda iyo cid kasta oo adeeg muhiim ah u haysa shacabka reer Puntland sida shirkadaha gaarka loo leeyayahay ee waaweyn iyo hay’adaha aan dowliga ahayn, dhammaantoodna waxaa looga fadhiyaa adeeg hufan oo lagu qanci karo, ayna ka muuqato shaqo hufnaan, daacadnimo, eex la’aan iyo maamul wanaag.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay, Shiikh Maxamuud Haaji yuusuf Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika faraca Garoowe, Guddoomiyaha Dalladda ay ku midaysan yihiin ururada aan dowliga ahayn ee PUNSAA Faysal Axmed Warsame (Faysal qaran), Madaxa tayeynta hay’adaha dowladda ee (SIP)-UNDP Garoowe Muuse Ducaale, waxayna soo jeediyeen talooyin wax ku ool ah oo wax weynna ku kordhiyey qorshahan cusub ee dowladda Puntland,

Ujeeddada axdiga waxa weeye in  la hagaajiyo  tayada heerka adeegga ee adeeg bixiyuhu u gudbinayo dadweynaha, axdigan waxaa ku cad Masuuliyadaha iyo waxa laga doonayo dhinacyada  Kala duwan ee adeegga bixinaya, wuxuuna qeexayaa xuquuqda dadweynaha iyo waajibaadka saaran cid kasta oo adeeg bixinaysa, wuxuuna adkaynayaa in howl wadeennada dowladdu la yimaadaan, Daacadnimo,  shaqo hufnaan, karti,  iyo waddaninimo, ayna u kala baxsan tahay shaqada iyo saaxiibtinimada ama qaraabanimadda.

Axdigan oo ka kooban Toban bog ayaa la rajeynayaa in dhawaan la hor geeyo Golaha xukuumadda Puntland si loo  ansixiyo, ka dibna loo dhaqan galiyo,  kana muuqdaan goobaha adeeg bixinta, waxaana  la filayaa in ay wax badani ka baddelnaan doonaan sida hadda adeeg bixintu tahay.

Dhanka kale si adeegga dawladdu u wada gaaro bulshada, noqdana mid wax ka baddela qaabkii hore ee loo shaqayn jiray, ayaa   Waxaa nidaamkaan qayb ka ah  qaab dadweynuhu ku soo gudbinayaan cabshooyinkooda iyo caqabadaha kala soo gudboonaada xafiisyada dowladda, waxaana weheliya sameynta qaab sahlan oo cabshooyinka iyo wixii musuqmaasuq ah ee jira ay ku soo gudbin doonaan sida; sanaadiikh cabasho, aaladda internetka,  qaab taleefoon, SMS , iyo IWM.

PUNTLAND POST