Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Haweenka Puntland oo tababar ugu soo xirmay Muqdisho

Qaar kamid ah shaqaalaha wasaaradda haweenka iyo arrimaha qoyska ee dowladda Puntland, shaqaalaha hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ka shaqeeya daryeelka carruurta ayaa waxaa tababar ugu soo xirmay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Tababarkan oo socday muddo ku dhaw asbuuc ayaa waxa uu ka dhacay xaruunta UNICEF ay ka dagantahay Caasimada Muqdisho oo khuburo ka socota Hay’adu ay ku bixinayeen.

Tababarkaasi ayaa intii uu socdey waxaa looga hadlayey tacadiyada carruurtu la kulmaan, ka jawaabidda arrimaah deg dega ah ee carruutu la kulmaan iyo ka jawaabidda deg degga ah tacadiyada ka dhanka ah Haweenka iyo Caruurta.