Man United oo markii ugu horeysay ku guuleysatay Koobka Europa League-ga

Kooxda kubadda cagta Manchester United ee reer Ingiriis ayaa xalay markeedii ugu horeysay ku guuleysatay Koobka labaad ee horyaalada Qaarada Yurub ee Europa League-ga.

Manchester United  ayaa kooxda  reer Holland ee Ajax 2-0 ugu awood sheegatay cayaar ka dhacday garoonka Friends Arena magaalada Stockholm ee dalka Sweden, waxaana labadaas gool ka caawiyey United laacibiinta Paul Pogba iyo Henrik Mkhitaryan.

Manchester United  waxay guushani uga dhigan tahay in ay si toos ah uga soo qeyb galeyso wareega Group-yada tartanka Champions League-ga, maadaama horyaalka Premier League-ga xili ciyaareedkan ka gashay kaalinta 6-aad kala sareynta kooxaha.

Manchester United ayaa kusoo biirtay Shanta kooxood ee ku wada guuleystay tartamada Yurub ee Champions League-ga, Europa League-ga iyo Cup Winner’s Cup-ka.

Dhanka kale dadkii ku sugnaa garoonka iyo cayaartowda labada kooxood ayaa hal daqiiqo u aamusay murugadii qaraxii Isniintii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Manchester, kaas oo ay ku naf waayeen 22 qof.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST