Soomaliya oo Xubin Ku Yeelatay Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO

Tedros Adhanom wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Dowladda Itoobiya , ayaa loo doortay Madaxa Hay’adda Caafimaadka aduunka ee WHO, wuxuuna noqday Afrikaankii ugu horeeyay ee hogaamiya Hay’addaasi tan iyo markii la aas-aasay.

Inkastoo Musharaxnimada Tedros uu taageeray Midowga Afrika, hadana waxaa la tartamay oo uu ka guulaystay David Nabarro oo reer UK ah iyo Sania Nishtar wasiirkii hore ee caafimaadka ee dalka Pakistan.

Doorashada Madaxa Hay’adda Caafimaadka aduunka ee WHO, waxaa ka qaybgalay 194 dal oo xubno ka ah Hay’addan oo midkasta uu cod ka dhiibanayey.

Soomaaliya waxay ka mid noqotay Ku-xigeenada madaxa WHO , wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya Fowsiya Abikar Nur ayaana ka mid ah xubnaha loo doortay Madax ku xigeenadda WHO.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho