R/W Kheyre oo ku Wajahan Sh/Hoose, kuna dhawaaqaya Dagaal ka dhan Al-Shabaab

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xasan Cali kheyre ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro deegaanka Bali-doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ujeedka socdaalka Ra’iisul wasaare Kheyre ee deegaanka Bali-doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa lagu sheegay  si ay Ciidamada Xoogga dalka Somaaliyeed ay u bilaabaan dagaal ka dhan ah  Al-shabaab oo ku sugan qeybo kamid ah Gobolkaas.

Socdaalka Ra’iisul wasaaraha ee Gobolka Shabeelaha hoose waxaa ku wehlin doona mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaliya,Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Deegaanka Bali-doogle waxaa ay fariisin u tahay Ciidamada Dowlada, kuwa AMISOM iyo Ciidamo Mareykanka ah.

Dowladda Soomaliya ayaa wada qorshihii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo kuwa AMISOM ay dalka kaga saarayaan Al-shabaab.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho