Ra’iisul wasaare Kheyre oo ka qayb galay kulan lagu taageerayey Xukumadda

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka qayb-galey kulan lagu taageerayey Xukuumadda uu hoggaamiyo, waxaan ka soo qayb galay qaar kamid ah Golaha Wasiirada, Madaxwaynaha Maamulka Gal-mudug, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Dhalinyaro iyo ururada Bulshada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka mahadceliyey xafladan lagu taageerayo xukuumadiisa waxuuna tilmamey inay ka turjumayso rabitaanka dawladnimada, maadaama ay bulshada Soomaaliyeed soo mareen dhibaato badan isla markaana u baahan yihiin Nabad iyo Nolol.

“Waxaan rabnaa mar walba in ay nala xisaabtamaan shacabka Soomaliyeed si ay u helaan waxey xaqa noogu lee yihiin taasoo ah dawladnimada, si aan u gudano shaqadeena”ayuu yiri R/W kheyre.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre ayaa la kulmay safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Stephen Schwartz , waxayna ka wada hadleen sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen horumarka, xasiloonida iyo dimuqraadiyadda, tasoo fursad siineysa dadka Soomaaliyeed si loo yareeyo kuwa aaminsan aragtida xag-jirnimada ah.

Ugu danbeyntii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeer ku tagay Dekada Muqdisho, gaar ahaan shaqaalaha qeybta Maaliyadda, waxuuna kala hadlay howlaha ka socda Dekeda, isagoo kula dar daarmey in ay la dagaalamaan musuq-maasuqa si loo helo dawladnimo lagu kalsoon yahay.

6Z0A44506Z0A46396Z0A45386Z0A45236Z0A44546Z0A46896Z0A46806Z0A42586Z0A4845

Dhamaad.

Puntland Post