Kooxda Doocish oo Sheegatay Masuuliyada qaraxii Bosaso

Ururka Daacish ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerar ismiidaamin ahaa oo xalay ka dhacay bar Kontorool oo ku taala bartamaha magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

War kooban oo qoraal ah oo ka soo baxay Kooxdaasi ayay ku sheegeen in weerarka uu fuliyay dagaalyahan ka tirsan Ururka Daacish islamarkaana lagu dilay askar ka tirsan Ciidamada amaankaPuntland ee kontoroolka ku sugnaa sida ay sheegeen.

Dhanka kale Puntland oo ka hadashay qaraxa ayaa sheegtay in dhimashadu ay tahay  5 Qof oo 4 shacab tahay, 1 Askari iyo Ninki Ismiidaamiyay, Waxeyna tirada guud isku noqonaysaa 5 Ruux.

Barkhad Bulshaale waa askariga dhintay isagoo badbaadinaya dad badan oo reer Boosaaso ah, wuxuu diiday in qofka is qarxinayey sida Puntland ay sheegtay in uu gaaro bartilmaameedkiisa, kadibna ninkii wuu is qarxiyay marku dareemay in Barkhad uusa dhaafi kareyn, sidaasi ayaa barkhad iyo dhallinyaro ka ag ka dhoweyd ay ugu dhinteen qaraxii.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post