Garowe: 159 arday oo ka Qalin jebiyey Jaamacadda PSU

Xarunta Jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe ayaa manta waxaa lagu qabtay munaasabad qalin jebin ah oo loo qabtay 159 arday oo dhammaystay lix kulliyadood oo kamid ah kulliyadaha waxbarashada heerka 1aad ee Jaamacadda Puntland State University (PSU).

Munaasabadda ayaa waxaa ka qayb galay gudoomiyaha barlamaanka dowladda Puntland, wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare, xildhibaano, maamulka Jaamacadda, macaliin, xubno ka socdey jaamacadaha Puntland, ardayda Jaamacadda, waalidiin, ganacsato, qurbajoog iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Gudoomiye ku-xigeenka Jaamacadda PSU Axmed Shire oo ugu horayn munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ardaydaani ay soo dhammaysteen dhammaan wixii looga baahnaa, islamarkaana 102 kamid ah ay ka shaqeeyaan xarumo kala gedisan, ayna u diyaar san yihiin in aysan shaqo raadsan laakiin ay shaqo abuur sameeyaan.

Qaar ka mid ah ardayda qalin jebisey oo soo bandhigay farxaddooda ayaa u mahadceliyey cidwalba oo ka qayb qaadatay waxbarashadooda, waxaana ay balan qaadeen in wixii ay barteen ay dalka dib ugu celin doonaan.

Ganacsato, waalidiin, qurbajoog, abwaaniin iyo xubno kale oo ka hadlay munaasabadda ayaa u hambalyeeyey ardayda waxaana ay kubooriyeen in aysan tahriibin, waxbarashadoodana sii wataan.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland Pro Abshir Aw yuusuf Ciise oo hambalyo u diray ardayda ayaa tilmaamay in maanta ay tahay maalin kale oo farxadi u soo hoyatey dowladda iyo dadka Puntland, wuxuuna ardayda ku booriyey in ay waxbarashadooda siiwataan.

Ugu dambayntiina gudoomiyaha barlamaanka dowladda Puntland Axmed Cali Xaashi oo soo xiray xafladda ayaa balan qaaday in dowladdu ay waxbarashada dhiirigelin doonto, wuxuuna shahaadooyin gudoon siiyey ardayda qalin jebisey.

PUNTLAND POST