Bosaso: Waa Sidee Goobtii uu Xalay Qaraxu ka dhacay

Bosaso-[Puntland Post] Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa saaka waxa ka socda Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo sida uu Puntland Post u xaqiijiyey mid kamid ah sarakiisha ciidamada Amaanka ee Boosaaso.

Howlgaladaan ayaa yimid ka dib markii Xalay magaalada uu ka dhacay Qarax ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen 5 Qof halka tiro kalena ay ku dhawacmeen.

Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Boosaaso ayaa waxa inta badan ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Boosaaso.

Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxana  shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, iyagoona soo qabanaya cida ay ka shikiyaan.

Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Boosaaso.

Xaalada Amaan ee saaka ayaa Dagan guud ahaan Boosaaso goobihii Qaraxu Xalay ka dhacayna dib ayaa loo furay.

CABDIQANI BOOS 

PUNTLAND POST ,BOOSASO,