Mid kamid ah Beelaha Daga Puntland oo Taageeray kordhinta Barlamaanka Puntland

Boosaso[Puntland Post]Beesha Tiinle oo ka mid ah beelaha dega gobolada Puntland ayaa kulan ay ku qabteen magaalada Bosaso waxa ay ku soo dhaweeyeen soo jeedintii madaxweynaha Puntland ee ahayd in la furo kuraasta xildhibaanada baarlamaanka Puntland laguna soo daro beelaha ka maqan xubnihii ay ku lahaayeen.

kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay nadadoonada, cuqaasha, ganacsatada, dhalinyarada iyo aqoonyahanada beesha Tiinle waxayna kulan kooda ay ka soo saareen bayaan ay isku raaceen
Nabdoon Cali Cilmi Ibraahim oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa sheegay in beeshu ay taagarayso hadalkii madaxweynaha loona baahan yahay in beelaha kale ee sadkooda uu maqanyahay ay u istaagaan sidii ay xuquuqdooda uraadsan lahaayeen .

Sidoo Nabdoon Maxamed Cali cabdi ayaa sheegay in la taaganyahay waqtigii ay beeshu raadsan lahayd xuquuqdeeda .
Siyaasi Maxamud Ciise Jaamac oo isna madasha hadal ka jeediyay ayaa sheegay in qaar ka mid ah madaxda Puntland ay tusaale u soo qaataan qodobka 60-aad ee dastuurka Puntland oo dhigaya in baarlamaanka Puntland afti loo qaado oo lagu furi karo oo kaliya in afti dadweyne la helo kaas oo uu sheegay in uu yahay qodob fashilmay.

Baaqa Beesha Tiinle
Ku: Madaxwaynaha Puntland
Ku: MadaxWayne Ku Xigeen Ka Dawlada Puntland
Ku: Gudoon Ka Baarlamaan Ka Iyo Xubnaha Xildhibaanada.
Ku: Wasaarada Cadaalada Dawlada Puntland
Og: Isimada Puntland
Og: Maxkamada Sare Ee Dawlada Puntland
Og: Dawlada Federaalka Ee Soomaaliya
Ujeedo: Baaq Iyo Tala Soo Jeedin
waxay Soo Dhowaynayso Soo Jeedinta Madaxwaynaha Dawlada Puntland In Lafuro Xildhibaanada Puntland Beelaha Ka Maqana Xaqooda Loogu Daro.

Mudane Madax Wayne Waxaanu Kaaga Mahad Naqaynaa Horumarka Aad Dalkaan Gaarsiisay Iyo Sida Aad Ufulisay Balan Qaadkaagii Xiligii Ololaha Qaybta Dhimana Aad Gacanta Ku Hayso Sidii Aad Ufulin Lahayd.

Beeshu Waxay Si Xoogle Utaageeraysaa Una Soo Dhowaynaysaa Soo Jeedintaada In Lafuro Baarlamaanka Puntland Oo Xubno Loogu Daro Beelaha Aan Matelaada Ku Lahayn Ee Aanu Kamid Nahay.
Deegaanada Beeshu Degto.
Gobolka Haylaan
Gobolka Sanaag
Gobolka Bari
Gobolka Karkaar

beeshu waxa ay ka qayb qaada taa xaquuqda uu dalku ku leeyahay sida
Bixinta cashuuraha iyo ku waayida naf iyo maal difaaca dalka

Qodobada Baaqa Beesha {TiinleWaxaan Taageeraynaa Soo Jeedintii Madax Waynaha Dawlada Puntland Ee Ahayd In Baarlamaan Ka Lafuro Looguna Daro Beelaha Ka Maqan Aana Metelaada Kulahayn Hada
In Baarlamaan Ka Lafuro Kana Helno Xubnihii Aanu Xaqa U Lahayn.

In Lays Ka Illaaliyo Diidmada Furitaanka Xildhibaanada Puntland Haday Dhacdana Sababi Karta Dhibaato Cusub Oo Aan Hada Jirin Oo Salka Ku Haysa Nacayb Iyo Cadaalad La Aan.

In Xildhibaanada Puntland Iyo Gudoon Kuba Ay Taageeraan Soo Jeedinta Madax Waynaha Ee Furitaanka Xildhibaanada Iyaga Oo Ilaalinaya Cadaalada Iyo Midnimda Shacabka Reer Puntland Oo Aan Metelaada Lahayn Oo Ay Iyagu Udhaarteen.
In Isimada Iyo Cuqaasha Puntland Taageeraan Soo Jeedinta Madax Waynaha Taas Ka Turjumaysa Cadaalada
) beeshu waxay sahli doontaa daahfurnaan, xog-isweydaarsi, wadatashi, wadashaqeyn joogta ah ay laleedahay beelaha kale

Gabagabadii Beeshu Waxa Ay Rajaynaysaa In Uu Haridoono Dulmogu Ayna Shaqayn Doonta Cadaaladu

Inta badan beelaha Daga Puntland Ee aan Xiligan wax xubin ah ku lahan Barlamanka Puntland ayaa soo dhaweyey hadalka Madaxweyne Gaas Eek u Aadan in lagu daro beelaha Barlamanka Puntland.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POSTÂ