Madaxweyne Farmaajo oo Cambaareeyay Qaraxii Manchester

Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay goob bandhig faneed uu ka socday magaalada Manchester ee dalka Ingiriiska ,halkasi oo ay ku dhinteen  22 ruux ,60 kalena ay ku dhaawacmen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda federaalka Soomaliya ay garab taagan Tahay Dowladda Ingiriiska islamarkaana ay la qeybsanayso dhibaatada shacabkeeda kasoo gaartay qaraxii ka dhacay magaalada Manchester.

Labo iyo labaatan ruux oo ay ka mid yihiin carruur ayaa hadda la ogyahay in ay ku dhinteen 59 kalana ay ku dhaawacmeen weerar argagixiso looga shakisan yahay oo ka dhacay magaalada Manchester ee dalka Britain.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay maqleen dhawaq xooggan markii ay dhamaadeen heeso ay goobtaasi si toos ah uga qaadeysay Ariana Grande, oo ah fanaanad caan ah oo u dhalatay dalka Mareykanka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho