Madaxweynaha Soomaaliya oo Booqasho ku tagey dalka Jabuuti

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa maaanta gaaray magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Jabuuti.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan la qaadan doona madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxayna kawada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo ladagaalanka argagaxisada.

Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu Jabuuti ku sugan yahay waxaa khudbad uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya u jeedin doona barlamaanka dalkaas Jabuuti, sidoo kale madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb gali doona xaflad uu madxweyne Geelle ku daah furi doona Deked cusub oo dalkaas laga hirgaliyey.

Dalka Jabuuti ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo, kuwaas oo ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweyne Farmaajo waa markii ugu horeysay oo uu booqasho ku tago dalka Jabuuti tan iyo intii uu noqday madaxweynaha Soomaaliya.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST