Gudoomiyaashii Gobolka Banaadir oo xilalkii laga qaaday, kuwa kalana la magacaabay

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa goordhaweyd magacaabay 15-Gudoomiye,iyadoo xilalkii laga qaaday 15-kale

Waxaa laga tagay oo kaliyah Gudoomiyayaaasha Degmooyinka Kaxda iyo Hiliwaa.

Akhriso Magacyada 15 Gudoomiyaasha Cusub ee degmooyinka Gobolkaan Baanadir oo goordhow la magacaabay

  • Degmada C/casiis sharmaarke Maxamed ladane
  • Degmada Kaaraan C/fataax Nuur Cali Yaanyo
  • Degmada Shibis Safiyo Sheekh Cali Jimcaale
  • Degmada Yaaqshiid Axmed Xasan Maxamuud
  • Degmada Howlwadaag C/kariin Cali Kaar
  • Degmada Hodan Maxamed Cantoobo
  • Degnada Dayniile C/wali Nuur Faarax
  • Degmada Wadajir Cumar cllahi xassan
  • Degmada Dharkeynley C/raxmaan Ciid Cali
  • Degmada Shangaani Basmo Cumer Axmed
  • Degmada xamerweyne Cumer Shariif Maye
  • Degnada Xamerjajab C/wali C/llahi Maxamed
  • Degmada waabari Rowdo C/llaahi
  • Degmada boondheere Zainab Yusuf Wehliye
  • Degmada Warta nabada Zainab maxamuud Warasame

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho