Dooni laga leyahay Dalka Iiran oo lagu Afduubtay Xeebaha Puntland

Bosaso-[Puntland Post] Wararka Puntland Post ka soo garaya  Gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa sheegaya in Afduub loo geystay Dooni kaluumeysi oo laga leeyahya Dalka Iiran waxeyna dadka deegaanka ay sheegayaan in ay Doontaasi kaluumeysi sharci darro ah ka waday Xeebaha Puntland.

Nabadoon Aadan Siciid Maxamed Xayle oo kamid ah Odayaasha deegaanka Xaabo ee Gobolka Gardafuu oo la hadlayay qaar kamid ah warbaahinta ayaa sheegay in dhacdadaasi ay dhacday Shalay.

Waxa uu intaasi ku daray Nabadoon Aadan Siciid Maxamed in dadk afduubtay Doonta ay ahayeen Kaluumaysato lamana garanayo sababta ay u afduubteen .

Waxaa la rumeysanyahay iney saarnaayeeen Doontaasi Shaqaale u dhashay Dalka iiraan oo ku howlana Howlaha Kaluumeysiga sharci darada ah.

Kooxaha Burcad Badeeda ah ee geysata falalka noocaan oo kala ah ayaa la sheegay iney Ka careysanyihiin falalka Jariifka ah ee lagu hayo Xeebaha Soomaaliya.

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST,BOOSASO