130 arday oo ay ka qalinjabiyeen Machadka farsamada gacanta Ee Qardho

Machadka farsamada gacanta Qardho oo ay ka qalinjabiyeen 130 arday oo isugu jira wiilal iyo Gabdho.

Ardatda Machadka ka qalinjabiyay ayaa bartay Xirfadaha kala ah; Cuno karin, Dhar-midabayn,qurxinta dumarka, Tuubiste iyo farsamooyin kale.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo Hay’adaha Barnaamijka Maalgeliyay ayaa ka qayb galay Munaasabadii qalinjabinta ahayd.

Maamulaha Machadka GVTC Jimcaale Cali Ciise ayaa ugu horan madasha ka hadlay ayaa sheegay wax yaabihii ay barteen ardeydaani

‘’Ardatda Machadka ka qalinjabiyay ayaa bartay Xirfadaha kala ah; Cuno karin, Dhar-midabayn,qurxinta dumarka, Tuubiste iyo farsamooyin kale.

Asli Ciise Abshir oo ah Madax Waxbarshada Gobalka Bari, Ee Haya,dda NRS ayaa ka warantaya Mashruuca  Haya,ddaha iska kaa shanayey .

Mashruucan waxa si wada jir ah u fulinayay Haya,dda NRS iyo Machadka GVTC waxana Malgalinayey ,Haya,ddaha UNICEF IYO WFP.

Maanta waxaynu og nahay Gabdhaha iyo wiilsha in ay ay Gabdhihu jecel yiin waxbarashada isla markana ay intooda badan ay xooga saran barshada farsamada gacanta si ay gurigooda ugu maamushan.

Ardaydan dhameysatay farsamada Gacnata waxa laga soo xulaya Kaamamka Qoxootiga ee ku Yaala Boosaso iyo Qaar kamid ah Dadka Deeganka, waana Dad loogu talagalay in ay ka faa,idaystan Barnaamijka Baahiyo iyo Duruufo jira awgood.

Mar ay ka hadlaysay  Asli Ciise Abshir oo ah Madax Waxbarshada Gobalka Bari, Ee Haya,dda NRS  qaybaha kala duwan Ee Barnaamijkan uu u qaybsanaa wax ay tiri.

‘’Mihiimada koowad wax ay ahad akhris iyo Qoris,in la bari qofka sidii uu ula Nolan lahaa Bulshada iyo sidii ay dhalinyardu shaqo u Abuuran lahayeen.

Duqa Degmada Qardho Cabdi siciid cismaan dheere ayaa madasha ka xusay dhalinta in looga baahan yahay barashada farsmada gacanta waxana si wan ugu mahad celiyey Haya,dda NRC oo kaalin wen ka qaadatay sidii dhalinyaradan ay wax u bari lahayeen.

Inta badan masuuliyintii kala duwan Ee Goobta ka hadalayaa ayaa dhamantood waxa ay sheegen in talabadan aya tahay waxa mid dhalinyarad u abuuraysa xirfado kala duwan waxayna Amaan u soo jeediyen Haya,dihii iska ka shanayey Mashruucan.

Ugu danbeynti ardeyda ayaa soo bandhigay wax yaabihiii ay ka barteen macadka oo isugu jiray toliska dharka cunta karinta farsmada gawaarida iyo cilaan saarka

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST