Puntland Post oo hambalyeysay arooska Wariye Abshir Dhiirane oo ka dhacay baadiyaha Nugaal

Warbaahinta Puntland Post waxay Hambalyo kal iyo laab ah u diraysa tafaftiraha Warbaahinta Puntland Post Abshir Cabdillaahi Maxamed (Abshir Dhiirane) iyo marwadiisa Samiira Cabdirashiid oo uu arooskoodu ka dhacay baadiyaha tuulada Reemanti ee Gobalka Nugaal.

Arooskan oo kamida kuwa ugu cajiibsan degaanada Puntland ayaa loo soo abaabulay hab dhaqankii soo jireenka ahaa ee Soomaalida, waxaana lagu qabanayaa aqal Soomaali si qurux badan loo nashqadeeyey oo ku dhinac yaal dooxo barwaaqo ah oo ay hareeraha ka fadhiyaan biyaha xareeda, cagaaarka dooguna indhuhu ku nuursanayaan.

Ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, heeso dhaqan, gabayo iyo xujooyinkii lagu yiqiin birisamaadkii aroosyada Soomaalida ayaa lagu soo bandhigayaa goobtan, waxayna barbaarta, caruuska iyo caruusaduba ku labisan yihiin dharka hidaha iyo dhaqanka u ah umadeena Soomaaliyeed.

Mar labaad Maamulka iyo hawldeenada Puntland Post meel kasta oo ay joogaan waxay farxada la wadaagayaan una hambalyeynayaan Wariye Abshir Dhiirane iyo marwasiida, waxaanuna Alle uga baryeynaa inay noqdaan qoyskii isku barakooba, ubad khayr qabana kala hela.

PUNTLAND POST