Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo shaqadii u fasaxay Agaasimaha Hay’ddaha Socdaalka Puntland

Madaxweyne ku xigeenka Puntland  Eng. Cabdixakiim Cabdullahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta dib ugu fasaxay shaqadii Agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Puntland Maxamuud Faarax Ashkir oo uu todobaadkii hore shaqada ka joojiyey.

Madaxweyne ku xigeenku warqada uu shaqada ugu fasaxay Agaasimaha Socdaalka kuma aanu faahfaahin sababta uu go’aankiisii hore u badalay mudo kooban gudahood.

Hoos ka Akhriso Warqada Shaqada loogu fasaxay Agaasimaha Soccdaalka Puntland

Hoos ka Akhriso Warqadii hore ee Shaqada looga joojiyey Agaasimaha Socdaalka

Liban Yusuf

PUNTLAND POST