Madaxweyne Farmaajo oo Sucuudiga kula Kulmay Madaxweyne Trump

Madaxweynayaasha Soomaliya iyo Mareykanka Farmaajo iyo Trump ayaa ku kulmay Magaalada Riyaaad ee dalka Sacuudiga waxay kawada hadleen dhismaha ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Abdinuur Maxamed oo ah Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya oo la hadlay VOA-da ayaa ka ka warbixiyay kulanka dhexmaray labada Madaxweyne, iyo qodobada diirada lagu saaray.

“Labada Madaxweyne si kooban ayeey u kulmeen, waxayna ka wada hadleen sidii dowladda Mareykanka ay kaalin weyn uga gaysan lahayd dhismaha ciidamada qalabka sida iyo dabargoynta kooxaha argagixisada ah.”ayuu yiri Abdinuur.

Hoos ka Dhageyso Codka.

Xasan Maxamed samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho