Madaxweyne Donald Trump oo Booqanaya Israel

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa booqanaya dalka Israel iyo dhulka Falastiin, kaddib booqasho laba maalmood ah oo uu ku tegay dalka Sacuudiga oo ay xulafo dhaw yihiin Mareykanka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa intii uu ku sugnaa Sacuudiga, waxaa uu madaxda dalalka Islaamk ku booriyay inay ka takhalusaan argagixisada oo ay ka saraan dalalkooda, isagoo na arrintaasi ku tilmaamay inay tahay dagaal u dhaxeeya kuwa wanaaga jecel iyo sheydaanka, balse aysan aheyn buu yiri dagaal u dhaxeeya diimaha kala duwan.

Mar uu ka hadlayay shirka Mareykanka iyo wadamada Islaamka ee lagu soo gabagabeeyay dalka Sacuudiga ayaa Mr Trump waxaa uu dalka Iran ku edeeyay inay hurineyso colaada ku saleysan diimaha, ayna gacan siiso argagixisada ka howlgasha gobolka, waxaa uu na inta ku daray in dalka Iran ay taageerto waxa uu ugu yeeray dambiyada an marnaba la shaacin ee ay geysato dowlada madaxweyne Bashar Al Asad.

Sabtidii Mareykanka ayaa waddanka Sucuudiga waxa uu la saxiixday heshiis ganacsi oo gaaraya $350 bilyan.
Waxaa heshiiska ka mid ah heshiiskii ugu ballaarnaa ee dhanka hubka ee uu abid galo Mareykanka, kaas oo uu Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Rex Tillerson, ku sheegay in loogu talagalay in la isaga dhiciyo saameynta khatarta badan ee Iiraan oo ah dal ay gobolka isku hayaan Sucuudi Carabiya.

Balse heshiiska dhanka hubka ee ay wadaa saxiixdeen Mareykanka iyo Sacuudiga waxaa cambaareeyay wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Mohammad Javad Zarif .

Mr Trump ayaa dhaliyay khilaaf intii uu ku jiray ololaha doorashada kaddib markii uu ku baaqay in si ku meelgaar ah Muslimiinta looga mamnuuco inay soo galaan Mareykanka sababo dhanka ammaanka ah.

Shuruuc looga gol-leeyahay in lagu adkeeyo socdaalka dadka ka imanaya dalal Muslimiin ah ayaa weli horyaal maxkamadaha Mareykanka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post