220 ARDAY OO KA QALIN JABIYEY MACHADKA FARSAMADA GACANTA EE BOOSASO

Boosaso[Putland PostMunasabadan oo ahad mid si wan loo soo Agasimay ayaa ahad mid lagu sogootinayey Arday dhameysatay Qaybaha kala duwan Ee Farsamooyinka Gacanta waxayna Tiro ahan Gaarayan 22o arday oo iskugu jira wiilal iyo Gabdho.

Ardaydan ayaa ka faa,idaystay Mashruuca YEP oo ay maal galiyeen Haya,ddaha UNICEF, WFP,isla markan ay si wada jir ah u fulinayeen NRS iyo Machadka Farsamada Gacnta BVTC Ee Boosaso.

Munasabadan aya waxa ka soo Qab galay Maamulka Machadka Macalimiin Masuuliyiin ka socda Haya,dda NRS masuuliyin ka socda wasardda dhalinyarad iyo Ciyaaraha Puntland,walidiin iyo Marti sharaf kale oo munasabada lagu Casuumay .
Maamulaha Machadka BVTC Maxamed Jaamac oo Munasabada ka hadlay waxa uu ka sheekeyey wakhtiga La-asasay iyo tirada Ardayda ka qalin jabinaysa.

‘’Machadka wax la asasay 1995 ilaa wakhtigaas wax ka soo baxaday Macadka Arday iskugu jirta wiilal iyo Gabdho Bartay Xirfado kala duwan oo Farsamada Gacanta ah.

Saaka Macadka waxa ka qalin Jabinaysa 220 arday oo isugu jira wiilal iyo Gabdho oo bartay Farsmooyinka Gacanta ‘’
Asli Ciise Abshir oo ah Madax Waxbarshada Gobalka Bari, Ee Haya,dda NRS ayaa ka warantaya Mashruuca YEP Haya,ddaha iska kaa shanayey .

‘’Mashruucan waxa si wada jir ah u fulinayay Haya,dda NRS iyo Machadka BVTC waxana Malgalinayey ,Haya,ddaha UNICEF IYO WFP.

Maanta waxaynu og nahay Gabdhaha iyo wiilsha in ay ay Gabdhihu jecel yiin waxbarashada isla markana ay intooda badan ay xooga saran barshada farsamada gacanta si ay gurigooda ugu maamushan.

Ardaydan dhameysatay farsamada Gacnata waxa laga soo xulaya Boqolkiiba 70 Kaamamka Qoxootiga ee ku Yaala Boosaso halka Boqolkiiba 30 laga keenaya Dadka Deeganka, waana Dad loogu talagalay in ay ka faa,idaystan Barnaamijka Baahiyo iyo Duruufo jira awgood.

Mar ay ka hadlaysay  Asli Ciise Abshir oo ah Madax Waxbarshada Gobalka Bari, Ee Haya,dda NRS  qaybaha kala duwan Ee Barnaamijkan uu u qaybsanaa wax ay tiri.
‘’Mihiimada koowad wax ay ahad akhris iyo Qoris,in la bari qofka sidii uu ula Nolan lahaa Bulshada iyo sidii ay dhalinyardu shaqo u Abuuran lahayeen.

Inta badan masuuliyiintii kala duwanaa ee munasabada ka soo qabgalay ayaa Ardayda kula Dar daarmay in Aqoonta ay barteen  ay Bulshadooda uga faa,ideeyan .

ugu danbantii munasabad ayaa ku so dhamatay jawi dagan

iise

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST,BOOSASO