Wasiirka kalluumaysiga Soomaaliya oo Eedeyn u Jeediyay Puntland

Wasiirka kalluumaysiga dowlada federaalka Soomaaliya Cabdirahman Maxamed Cabdi Xaashi ayaa Puntland ku eedeeyey in ay fashiliyeen shir caalami ah oo looga hadli lahaa Kalluumaysiga Soomaaliya oo ka dhici lahaa Jaziirada Seychelles.

Wasiirka oo Warbaahinta lahadlayey ayaa sheegay in shir ay iyaga iyo Wasiirada Kallumaysiga dowlad Goboleedada Muqdisho ku yeesheen looga hadlay sidii loo qeybsan lahaa kheyraadka Badda gaar ahaan Kulluunka Tuuna, sidoo kalana lagu saxiixi lahaa heshiis qabyo ahaa oo ay horey u wada gaareen dowlada Federaalka iyo dowlad Goboleedada, balse fashilmay markii ay ka hor timid Puntland.

Sidoo kale Wasiirka Kalluumaysiga Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada Goboleedada kale ay isku afgarteen Saami qeybsiga kheyraadka Badda marka laga reebo Puntland oo codsatay in lasiiyo Saamiga dowlada Federaalka oo kale.

Dhanka kale Wasiirka Kalluumeysiga ayaa sheegay in uu arintan ku wargaliyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, kana codsaday in la baajiyo shirka, maadaama laysku fahmi waayey heshiiskii qabyada ahaa ee horey loo gaaray.

Wasiirka kalluumaysiga Soomaaliya Cabdirahman Maxamed Cabdi Xaashi ayaa ka soo jeeda deegaanada Puntland waxaana dhalay madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST