Shirkada Tamarta NECSOM oo Tababar u furtay dhalinyaro ka kala yimi Gobolada Soomaaliya

In ka badan 30 qof oo dhalinyaro u badan ayaa u Xaadirtay Tababar Socon doona Mudo 30 Cisho ah kaasi oo kor loogu qaadayo Aqoonta ay Dhalinyaradaasi u leeyihiin Tamarta si Soomaaliya ay uga faa’iideysato waxyaabaha Dabiiciga ah ee laga dhalinkaro Korontada sida Dabeysha, Biyaha,iyo Qoraxda oo Tamar laga dhaliyo, waxaana Fulinaya Shirkada NESOM oo kaa shaneysa Shirkadda Caalamiga ah ee Elvi Energy.

Furitaanka tababarka waxaa goob joog ahaa Masuuliyiinta Shirkadda NECSOM iyo Maamulka Degmada Garoowe si ay goob joog u noqdaan Kulankaas Muhiimka ah, Maamulaha guud ee Necsom Abshir Jaamac Xasan oo hadalka ku horeeyey ayaa sheegay in Shirkadda Necsom ay kaalin ka qaadaneyso wax walba oo sare loogu qaadayo Shaqaalaha ka shaqeeya Korontada meel kasta oo ay joogaan wuxuuna rajeeyey in wax badan ay ka faaiidi doonaan Dhalinyarada tababarka u furmay.

Gudoomiyaha Shirkadda Necsom  C/Fitaax Maxamed Cabdi ayaa dhalinyarada u sheegay in dhibic ka mid ah wax yaabaha ay halkaan ay ka dhaxlaan looga fadhiyo in ay Dalka dib ugu celshaan si Somaliya ay uga faa’iideysato kheyradkeeda Xaga tabarta oo baahi weyn ay u qabto waqtigan.

“ waxaan idiin sheegayaa in ay idinka mid yihiin Shaqaalo ka socda Shirkado Tartan inaga dhexeeyo xaga Korontada  hadana waxaan ku dhiiraney in Tababarkan oo marki hore loogu talagalay Shaqaaleheena kaliya  go’aan ku qaadanno in aan uga faaiideyno Shirkadaha kale ee ka jira Dalka waana mida aad maanta halkan u fadhidaan, taana waxay cadeeneysaa sida NECSOM ay daacada uga tahay somaliya oo Isku filnaansho gaarta xaga tamarta ama Korontada, sidaana waxaa yiri Gudoomiyaha NECSOM Mudane C/fitaax Maxamed Cabdi.

Engineer  Ivo oo ka Socda Shirkadda  Elvi Energy oo madasha ka hadlay wuxuu sheegay in Barnaamijkan uu muhiim u yahay shirkadda uu ka socdo Maadaama ay tartan kula jiraan Shirkado kale ayna doonayaan fursadan in ay gaarsiiyaan cid kasta oo baahi weyn u qabta, Necsom ayuu ku amaaney in ay kaalin weyn ka qaadatay in barnaamijkan la balaariyo loogana faa’iideeyo dhamaan Farsamayaqaanada ku taqasusay Arimaha tamarta wuxuuna sheegay in macluumaad badan ay la wadaagi doonaan dhalinyarada inta Tababarku socdo.

Duqa magaalada Garoowe Xasan Maxamed Ciise (Goodir) ayaa ugu dambayn Tababarka Daahfuray dhirigeliyey Dhalinta sheegayna in Caasimada ay kusoo dhaweeyaan dhamaan dhalinyarada loona baahan yahay in Tababarka ay ka faa’iideystaan, wuxuu sidoo kale shahaadooyin Gudoonsiiyey iyadoo ay wehlyaan Maamulka sare ee Shirkadda NECSOM iyo Madax ka socotay Elvi Energy 4 ka mid ah Shaqaalaha Shirkadda NECSOM kuwaasi o tababar ku saabsan ka faa’iideysiga Dabaysha oo laga dhaliyo tamarta kagaga qayb galay Dalka Talyaaniga.

Tababarkan ayaa socon doona mudo 30 cisho ah iyadoo dhalinyarada ka faaii’deysaneysa ay isaga kalayimaadeen Magaalooyinka Mudqdisho, Kismaayo, Beydhabo,Gaalkaco,Bosaso,Laascaano,Garoowe,Eyl, iyo Dangoroyo.

PUNTLAND POST