Donald Trump oo Booqashadii ugu horeysay ugu Ambabaxay Sucuudiga

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa booqashadiisii ugu horeysay tan iyo markii uu xilka qabtay ugu baxay dalka Boqortooyada Sucuudi Caraabiya.

Madaxweyne Donald Trum ayaa safar Sideed maalmood qaadan doona ku soomari doona Sucuudiga, Israel iyo Talyaaniga oo ay ku yaalaan goobaha ay weyneeyaan dadka haysta diimaha Islaamka, Kirishtanka iyo Yahuuda.

Donald Trump ayaa Sucuudiga kula kulmi doona hogaamiyaan badan oo Carab iyo Islaamba ah, waxaana hogaamiyaashaan ka mid ah sida ay Warbaahinta PUNTLAND POST heshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo maalinta Bari ah la filayo in uu u ambabaxo Sucuudiga.

Safarka Donald Trump ayaa ku soo aadaya iyadoo Aqalka Cad ay xiisadi ka taagan tahay, iyadoo qaar ka mid ah dadka faaleeya siyaasada ay qabaan in xiisada Aqalka Cad ay u dhiganto fadeexadii Watergate ee uu xilka ku waayey madaxweynihii Mareykanka ee Richard Milhous Nixon.

Tramp ayaa shalay iska fogeeyey in uu culays ku saaray hay’adda FBI-da in ay soo xirto baari taankeedii ku aadanaa gacan yare aad ugu dhawaa Tramp, isagoo su’aalana ka keenay baahida looqabo dacwad Ooge gaar ah oo baara hadii ay jirtay faragalin uu ku sameeyey Ruushku doorashadii 2016, si ay umarin habaabiyaan hanaankii Doorashada.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trum ayaa booqashadiisa Sacuudiga laga yaabaa in ay wax ka badasho aragtii hore ee ay wadamada Islaamku ka qabeen.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST