Somaliland oo cadeysay Saamiga Ethiopia ee Dekedda Berbera

Somaliland ayaa markii ugu horeysay cadeysay halka uu ka imanayo Saamiga 19% ah ee Dekedda Berbera laga siiyay dowlada Ethiopia.

Wasiirka arimaha dibada iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland  Dr. Sacad Cali Shire oo Wareysi gaar ah siinayey Wargeyska Geeska Afrika oo ka soo baxa magaalada Hargeysa ayaa sheegay in DPWORLD oo la hayd Saami ah 65% laga jaray 14%, halka Somaliland oo la hayd 35% laga jaray 5%, sidaasna Ethiopia lagu siiyay 19%.

Sidoo kale Dr. Sacad Cali Shire waxa uu sheegay in Saamiga 19% ah ee Ethiopia la siiyay loogu gartay, maadaama ay tahay macmiilka ugu weyn ee isticmaali doona Dekedda Berbera, waxase uu sheegay inaanay Ethiopia weli si rasmi ah qayb uga ahayn maalgashiga Dekedda, balse heshiis kaasi uu yahay marka ay qayb ka noqdaan.

Hadal Wasiirka arimaha dibada Somaliland ayaa ka hor imanaya hadal uu dhawaan Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige ku sheegay in Saamiga la siiyay Ethiopia aanay ahayn mid ay bixisay Somaliland, balse uu yahay shirkadda DP World saamigeeda 65% ahaa ay siisay 19% Ethiopia.

Saamiga 19% ah ee Ethiopia laga siiyay Dekedda Berbera ayaa dhaliyay doodo iyo hadal heyn kala duwan, maadaama ay Ethiopia markii hore qeyb ka ahayn heshiiska Dekedda Berbera.

Shirkada DPWORLD ayaa 11-kii bishan si rasmi ah ula wareegtay Dekedda Berbera iyadoo dayactir iyo ballaarin ku sameyn doonta, waxayna gacanta ku hayn doontaa muddo 25 sano ah.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST