Maxkmada Ciidamada Qalabka sida oo Xukun Dil ah fulisay goordhow

Warar Goordhow ku soo dhacay Xafiiska Warqabadka Warbaahinta PUNTLAND POST ee Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in maxkmada ciidamada qalabka sida ay Goordhow dil ku fulisay Nin ku eedeeysnaa Al-Shabaabnimo.

Xukunkaan dilka ah ayaa waxa uu ka dhacay xarunta iskool Boloosiyo ee Tababarka ciidamada Booliska Muqdisho.

Dilkaan Waxaa Lagu fuliyay  Cabdiqaadir Cabdi Xasan oo ahaa ninkii waday Gaari ku Qarxay Suuqa Beerta Degmada Waabari Ee Gobolka Banaadir 27-kii November 2016.

Qaraxaasi waxaa ku dhintay dad ku dhow 30 ruux ku dhowaad 50 kalena waa ay kud haawacmeen.

Maxkmada Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun dil ah horay ugu riday waxaana lagu fuliyay maanta oo ah Khamiis 18-ka May 2017.

Masuuliyiin katirsan Ciidamada Maxkmada qalabka sida ayaa ku sugnaa Goobta toogashada ay ka dhacday.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho