Dowlada Kuwait oo qabatay Dhuxul u Rarneyd Al-Shabaab

Sida ay qortay Wakaalada wararka Dalka Kuwait ee la yiraahdo Kuwait News Agency (KUNA) Ciidamada Badda ee dalka Kuwait ayaa qabtay shixnad dhuxul ah oo u rarneyd Al-Shabaab.

Wakaalada oo soo tabineeyso war ka soo baxay dowlada Kuwait ayaa lagu sheegay 51-kiish oo saarnaa dooman yar yar ay qabateen Ciidamada Wadanka Kuwait.

Dowlada Kuwait ayaa sheegay in Dhuxushaasi loo waday in loo iibgeeyo gudaha dalkeeda si Al-Shabaab macaash lacageed oo aad u farabadan ay uga helaan.

Dowlada Kuwait ayaa sheegtay in Dhuxushaasi ay iibin doonto islamarkaasina qarashaadka ay ku iibiso ay u soo diri doonto dowlada Soomaaliya.

Dowladaha Kuwait iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeyo xiriir saaxiibtinimo waana markii ugu horeeysay oo ay qabato Shixnad Dhuxul ah oo Al-Shabaab u rarnaa.

Al-Shabaab oo Gacanta ku haya Jaziiradaha Gobolka Jubbada Dhexe ayaa halkaasi ka iib geeya Dhuxul aad u farabadan.

Dowlada Mareykanka ayaa horay u sheegtay in Al-Shabaab ay qaraashaad aad u farabadan uu uga soo xarooda Dhuxusha Soomaaliya

Halkan ka Aqriso Warbixinta Wakaalada Kuwait

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho