Askar Kenyaati Ah Oo La Xiray Kadib Markii Ay Ku Hanjabeen Ku Biirista Al-Shabaab

Labo Qof oo kamid ah ciidamada difaaca dowladda Kenya oo uu tababar ugu  socday Mweiga stadium   ee magaalada Nyeri  ayaa xabsiga la dhigay kadib markii ay ku dhaceen imtixaan caafimaad oo laga qaaday kuwaa oo ku hanjabay in ay ku biiri doonaan xarakada al shabaab.

Ciidamada Police-ka dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay markii ay soo ifbaxday hanjabaadooda ku aadan ku biirista xarakada al shabaab taa oo ka dambeesay imtixaan laga qaaday oo ay ku dhaceen intii tabo bar-ka ay ku guda jireen.

Mid kamid ah taliyaasha ciidamada oo la kulmay labadaan tabarka uu u socday ayaa sheegay in uu arkay waraaqahooda imtixaanka balse ay ku dhaceen isagoo tilmaamay in aynan u qalmin kamid noqoshada ciidanka difaaca dowlada Kenya.

Askartan keynatiga ah ayaa u sheegay qaar  katirsan saraakiisha KDF-ta dowladda Kenya in ay kamid noqon doonaan xarakada al shabaab oo fadhigoodu yahay dalka Soomaaliya iyagoo sheegay in ay kacabanayaan in la dafiray kamid noqoshada ciidamada militriga dowladda Kenya.

Waxaa la arkayay saraakiil kenyati ah oo la hadlaya labadan askar ee kenyatiga ah si ay ugu baaqsadaan ku biirista xarakada al shabaab laakiin sheegay in ay door bidayaan ku biirista xarakada al shabaab.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post