Wasiirka Maaliyadda Puntland oo lagu soo dhaweeyay Garowe

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdulaahi Shiikh Axmed ayaa maanta kazoo degay Garoonka Diyaaradaha magaalada Garowe ka dib socdaal muddo dhawr todobaad qaatay oo uu ku tagay dalalka Dubia iyo Schelles.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda, Shaqaalaha Maaliyadda iyo Maamulka Gobolka Nugaal ayaa garoonka diyaaradaha Garowe kusoo dhaweeyay Wasiir Cabdulaahi Shiikh Axmed.

Cabdulaahi Shiikh ayaa sheegay inuu guul kusoo dhamaaday socdaalkii uu ku tagay dalal ku yaala dibada , wuxuuna sheegay inuu uga qeybgalay shirar ku saabsan kicinta iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Daawo Sawirada.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST