Taliyihii hore ee Nabadsugida”Nabad Sugida in ay Na Beegsadaan Waa Wax Laga Xumaado”

Taliyihii Hore ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed C/raxmaan Tuur yarre Cumda ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Ciidamo ka Tirsan Nabad Sugida Soomaliyeed ay rasaas la dhacaan Gaarigiisa oo yaalay meel ku dhow xarunta Dowladda Hoose ee Xamar.

C/raxmaan Tuur Yarre ayaa sheegay in falkaas aan dusha laga saari Karin Ciidamada Xarakada Al-shabaab oo dowladda dagaal kula jirta,islamarkaana ay fuliyeen askar ka tirsan Ciidamada Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed.

“Waxaan rajaynayaa sidaan kuwii Gaarigeyga u Toogtay xalay in sharciga la horkeeno  sidaan lasocdana Shabaab ma ahan kuwaani arinkooduna arin lasahlan karo maahan qofki sidaan kuu toogtay hadaad ku bixi laheydna waa geeri hadaad badbaadana waa qadar Alle lkn waa geeri kale oo inlaga garamo u baahan.askeriga naga shahiiday alaha u naxariisto saraakiisha naga sigatana alaha xaqooda soo dhiciyo”,

ayuu yiri Taliyihii Hore ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed C/raxmaan Tuuryarre oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshada

Askar Katirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa isku Rasaaseeyay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho