Qaramada Midoobay oo ku baaqday in wadahadal la la galo Al-Shabaab

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay arrimaha Somalia Michael Keating oo la hadlay wargeeyska Newsweek ayaa talo ahaan soo jeediyay in wada-hadal lala galo dagaalyahanada Al-shabaab ee Soomaliya ka dagaalama.

Michael Keating ayaa sheegay in cafiskii uu sameeyay dhawaan  madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo) uu ahaa billow wanaagsan balse aysan noqoneyn mid si buuxda looga guuleeysto  Al-shabaab.

“Uma maleeynayo in cafiskaas kaligiis uu shaqeeynayo,waa howl ka badan in istiraatijiyad la isticmaalo,ma dooneyno in dhammaantiin aad ku dhimataan fikirka cadowga” ayuu yiri Keating oo ka bar bar hadlayay shirkii caalamiga ah ee London ee arrimaha somalia.

“Cafiska waa qeyb kamid ah wadahadalkaas iyo dagaalka,balse waxaad sidoo kale u baahantahay dagaal gaar ahaan hadii ay isticmaalayaan rabshado si ay ugu hormariyaan ujeedooyinkooda siyaasadeed” ayuu yiri Keating.

Al-shabaab ayaa dhawaan ku goodisay in ay sii laba jibaareyso dagaalka Lagula jiro Dowladda Soomaliya, iyo Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, balse dadka siyaasadda falanaqeeya ayaa aamisan in A-l­shabaab ay ka koobantahay xubno isugu jira, Dhexdhexaad iyo dhallinyaro nugul kuwaas oo hadafkooda la badalay.

Hadalka  Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay arrimaha Somalia Michael Keating  ayaa kusoo beegmaya xili Dowladihii hore ayaa isku dayeen inay wadahadal la furan Xarakada Al­Shabaab oo Soomaliya ka dagaalanta.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post