Madaxweyne Gaas: “ka yeeli mayno Xildhibaanada ku shiray Nairobi in dowlad 3-bilood Jirta la Shideeyo”

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo xaflad lagu soo dhaweynayay kaga qeyb galay Magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa si kulul ugu hadlay xildhibaanada ka tirsan Labada aqal Baarlamanka Soomaliya ee ku shiray Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Xildhibaanada labada aqal ee ku shiray magaalada Nairobi ay yihiin kuwa qaswadayaal ah, islamarkaana aysan dumin Karin Dowladda uu Hogaamiyo madaxweyne Farmaajo.

” Sida aad la socotaan waxaa Magaalada Nairobi ku shiray Xildhibaano ka tirsan Gollaha Shacabka Soomaaliya iyo aqalka Sare,waxaan u sheegaynaa ka yeeli mayno in dowlad 3 bilood Jirta in la shideeyo,dowladda Cusub waxaa ka go’an in la dhiso Ciidan Qaran oo waajibkii Ciidan Qaran guddan jireen gutta”,ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Hadalka Madaxweynaha Puntland Dr C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa kusoo beegmaya xili Magalada Nairobi ee Caasimada Kenya ay ku shireen Xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka Soomaliya iyo aqalka Sare waxayna sameysteen Kutlad ay ku sheegeen in ay tahay mid saxaysa qaladaadka Dowladda.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post