Beesha Wadalmoge oo taageeray Kordhinta Barlamaanka Puntland

Beesha wadalmoge oo ka mid ah beelaha dega gobolada Puntland ayaa kulan ay ku qabteen magaalada Bosaso waxa ay ku soo dhaweeyeen soo jeedintii madaxweynaha Puntland ee ahayd in la furo kuraasta xildhibaanada baarlamaanka Puntland laguna soo daro beelaha ka maqan xubnihii ay ku lahaayeen.

kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay nadadoonada, cuqaasha, ganacsatada, dhalinyarada iyo aqoonyahanada beesha Wadal Muge waxayna kulan kooda ay ka soo saareen bayaan ay isku raaceen

Caaqil Maxamuud Salaad oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa sheegay in beeshu ay taagarayso hadalkii madaxweynaha loona baahan yahay in beelaha kale ee sadkooda uu maqanyahay ay u istaagaan sidii ay xuquuqdooda uraadsan lahaayeen .

Sidoo kale Injineer Maxamed Xuseen Cali ayaa sheegay in la taaganyahay waqtigii ay beeshu raadsan lahayd xuquuqdeeda .

Aqoonyahan Qaasim Maxamed Yuusuf oo isna madasha hadal ka jeediyay ayaa sheegay in qaar ka mid ah madaxda Puntland ay tusaale u soo qaataan qodobka 60-aad ee dastuurka Puntland oo dhigaya in baarlamaanka Puntland afti loo qaado oo lagu furi karo oo kaliya in afti dadweyne la helo kaas oo uu sheegay in uu yahay qodob fashilmay.

Baaq ay soo saareen Beesha Wadalmoge ayaa u qornaa sidatan

Dowlad gogboleedka Puntland-Soomaaliya

KU: Madaxwaynaha Puntland

KU:Madaxwayne ku-xigeenka Puntland

KU:Gudoonka Barlamaanka iyo xubnaha xilibaanada puntland

KU: Wasaarada cadaalada Puntland

Og: Isimada puntland

Og: Maxkamada sare ee Puntland

Og: Dawlada federaalka ee Soomaaliya.

Ujeedo: Baaq Beesha Wadalmoge ku soo dhowaynayso soo jeedinta madaxwaynaha pl in la furo xilibaanada Puntland beelaha ka maqana xaqooda loogu daro

Mudane Madaxwayne

Waxaan kaaga mahadnaqaynaa hormarka aad dalkaan gaarsiiseen iyo sida aad u fulisay balan qaadkaagii xiligii ololaha qaybta dhimana aad gacanta ku hayso sidii aad u fulin lahayd, waxaan kale oo si xoog leh u taageeraynaa una soo dhowaynaynaa soo jeedintaada in la furo Barlamaanka Puntland oo xubno loogu daro beelaha aan matalaada ku lahayn ee aanu ka mid nahay.

Waxaan halkaan idiinku soo gudbinaynaa deegaanada beesha Wadal Moge ee Majeerteen Degto, meesha ay kaga jirto beeshu canshuur bixinta dalka iyo Khayraadka ma guuraanka ah oo ay leeyihiin iyo nuxurka baaqeena.
Deegaanka Beesha Wadal Moge degto.

Gobolka Bari

Gobolka Mudug

Gobolka Nugaal

Gobolka Karkaar

Gobolka Gardafuu

Canshuur bixinta.

Beesha Wadal Moge ee Majeerteen waa beesha labaad ee ugu canshuur bixinta badan beelaha Puntland ee wax kala soo dega ama ka dhoofsada dekadda Bosaso.
Khayraadka beeshu leedahay ee u gaarka ah iyo shacabka puntland u baahan yihiin.

Maydi

Beeyo

Dhuxul dhagax oo talyaanigii uu ka qodi jiray degaanka beesha hadana ay danaynayaan adduunka oo dhan.

Shidaal calaamadsan

Badda Cas iyo tan Hidiya

Beero sida Tirta iyo qudaar

Dhul beereed

Biyo dur-dur ah

Macdan kala duwan oo qaali ah

Xabag macaanta

Baaqa beesha Wadal Moge.

1-Waxaan taageeraynaa soo jeedintii madaxwaynaha Puntland ee ahayd in barlamaanka Puntland la furo looguna daro beelaha ka maqan oo aan metelaada ku lahayn hada.

2-In la iska ilaaliyo diidmada furitaanka xilibaanada barlamaanka Puntland haday dhacdana sababi karta dhibaato cusub oo aan hada jirin oo salka ku haysa nacayb iyo xaqiraad.

3-In Barlamaanka la furo oo laguna daro xubnihii nagu meteli lahaa iyo beelaha nala mid ah

4 In xilibaanada Puntland iyo gudoonkoodu ay taageeraan soo jeedinta madaxwaynaha ee furitaanka xilibaanada iyagoo ilaalinaya cadaalada iyo midnimada shacabka reer Puntland oo aan metelaada lahayn oo ay ayagu u dhaarteen.

5.In isimada iyo cuqaasha Puntland taageeraan soo jeedinta madaxweynaha taas oo ka turjumaysa cadaaladda.

6. Waxaan ugu baaqaynaa beelaha aan ku lahayn xubno xilibaanada Puntland in ay dareenkooda muujiyaan iyo in beelahaas kalena kulamo deg-deg ah isagu yimaadan si ay u difaacaan xuquuqdooda sharciga ah ee ka maqan.

Gabo-gabadii,

Beeshu waxay rajaynaysaa in cadaaladu shaqayn doonto, iyadoo bayaankan ay ku saxiixnaayeen dhammaan qeybaha kale dwuan ee beesha .

https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2017/05/

https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2017/05/

https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2017/05/

https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2017/05/

https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2017/05/

https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2017/05/

https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2017/05/

https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2017/05/

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POSTÂ