Cali Khaliif Galeyr oo ka hadlay kordhinta baarlamanka Puntland

Cali Khaliif Galayr oo dad kula hadlaya fagaare ku yaala magaalada Buuhoodle ayaa ka hadlay dooda maalmihii lasoo dhaafey ka jirtay in la furo tirada Baarlamanka Puntland, Wuxuuna ku sifeeyay inay tahay qorshe ka dhan ah 17 kursi oo beeshiisu ku leedahay Gollaha Wakiilada Puntland, Isagoona geesta kale cambaareyn dusha uga tuurey Xildhibaanada Puntland ee kasoo jeeda Gobolada Sool iyo Cayn.

Cali Khaliif ayaa ku booriyay dadkii uu la hadlayay inay ka mid ah noqdaan maamulka Somaliland si ay qeyb uga noqdaan gorgortonka siyaasadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland, Isagoona xoog leh u dhaliilay Dowlada Federalka iyo Maamulka Puntland.

Dhinaca kale wuxuu durey Issimada dhaqanka “War haddey fidmo ama dhibaato timaado Yaa inooga masuul ah ? Yaa lala hadlayaa ? Ma hebel iyo hebel oo yiri Caaqil baan ahay,War caaqil waxa loo diro waa la yaqaan,maamul dowlad jirta oo masiir ummadeed ah  Caaqil iyo Garaad waxba kama weydiiso,War ummaddani waxay leedahay cid matasha oo u dhaxaysa” ayuu yiri Cali Khaliif

Hadalka Dr Cali Khaliif Galeyr ayaa u muuqday mid uu kula ficiltamayo maamulka iyo Shacabka Puntland, Islamarkaana taas bedelkeeda uu kusoo dhaweysanayo maamulka Somaliland.

Daawo.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST