Putin oo ku eedeeyay Maraykanka weerarka kombuyuutarada adduunka

Vladimir Putin madaxweynaha Ruushka ayaa ku eedeeyay Maraykanka weerarka caalamiga ah ee curyaamiyey nidaamyada kombuyuutarada adduunka tan iyo Jimcihii.

Putin ayaa sheegay in Russia aysan wax eed ah ku lahayn weerarkan balse uu yahay wax ay sameeyeen sirdoonka maraykan iyagoo ka faa’iidaysanaya nuglaanshaha kombuyuutarada Microsoft.

Putin oo la hadlayay warbaahinta magaalada Beijing ayaa intaa ku daray in madaxda caalamka looga baahan yahay si ay uga hadlaan ammaanka internetka si “Heer siyaasadeed oo halis ah”.

Waa maxay ransomware?
Waa software xaasidnimo leh oo kaa xiraya kombuyuutarkaaga, tablet-kaaga ama telefoonkaaga gacanta kadibna ku weydiisanaya in aad lacag bixisid, si dib laguugu furo kombuyuutarkaaga.

Xaggee ransomware ka soo jeedaan?
Kiiskii ugu horeeyey waxaa laga diwaan geshey sanadkii 2005 dalka Mareykanka, laakiin si dhakhso ah ayuu ugu fiday dunida oo dhan.

Sidee Kombuyuurada u saameeyaa?
Virus-kaani waxa uu kombuyuutarka ku soo galaa si lifaaq(attachment) ah oo email kuugu timi kadibna aad furtay, wuxuuna kombuyuutarka ka dhigayaa mid aan la isticmaali karin, isagoo kadibna si fudud u raaci kara Network-ga aad ku xiran tahy.

Sidee isaga ilaalin kartaa Virus-kaan?
Waa in marwalba kombuutarkaaga uu ku jiro Anti-Virus kii ugu dambeeyey, inkasta oo kuwa sameeya software-ka xaasidnimada leh ay mar walba ka shaqaynayaan in ay hab kale uga wareegaan awooda Anti-Virus-ka.

PUNTLAND POST