Puntland oo u dabaal degtay maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed (SYL)

Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Garowe xaflad balaaran oo lagu maamuusayo sanad guurada 74-aad ee kazoo wareegtay markii la asaasay Ururkii gobonimo doonka Soomaaliyeed ee SYL oo ku beegan 15 may sanadkii 1943-dii, Waxaana kazoo qeyb galay xaflada maamuuska leh ee maanta loogu sameeyay magaalada Garowe Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Puntland, Masuuliyiin ka socda Gollaha Xukuumadda, Baarlamanka, Dhalinyarada, Hay,addaha World Vision, Mercy Crop, Dhalinyaro, Kooxo ka socda Fanka iyo Suugaanta iyo Marti sharaf kale.

Xafladan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha, Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland ayuu ka warbixiyay Agaasimaha dhalinyarada iyo Ciyaaraha Axmed Tigaana xuska maalinta loo samaynayo, Wuxuuna sheegay in dhalinyarada reer Puntland sanadkii lasoo dhaafey door muhiim ah ka qaateen gurmadkii loo samaynayay qoysaskii ku waxyeeloobay abaartii dalka ka dhacday, Islamarkaana ay ku talaabsadeen waxqabad muuqda.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqalaaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland ayaa u mahadceliyay dhamaan kazoo qeyb galayaashii xaflada loogu dabaal degayo sanad guurada Ururka SYL wuxuuna ku dheeraadey taariikhda halgamayaashii asaasay Ururka SYL.

Dhinaca kale Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay oo  soo xiray xafladaan oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa ugu hambalyeeyay dhalinyaradii kazoo qeyb gashay maalintan qiimaha badan, Isagoona sheegay in tani muujinayso qiimaha dhalinyaradu u leedahay dadka iyo dalkeedaba.

Ugu danbeyntii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlada Puntland ayaa shahaado sharafyo gudoonsiisay Hay,addaha World Vision, Mercy Crop , US AID iyo Ururka dhalinyarada ee MUDAN.

  Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST