Muqdisho: Madaxweyne Farmaajo oo Ubax dhigay Taalada SYL

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey sanad guuradii 74-aad eek a soo wareegtay  Aasaaskii Ururkii dhalinyaradaii gobanimadoonka Soomaaliyeed ee SYL.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo , Ra’iisul wasaare kui xigeenka, Wasiiro, qaar ka mid ah Xildhibaanada labada Aqal, maamulka gobolka Banaadir iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Federalka ayaa socod lug ah ku tegay Taalada SYL oo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya halkaas oo ay ka dhacday munaasabada .

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhalinjyarada Soomaaliyeed  u diray Hombalyo ku Aadan munaasabada 15-ka May oo ah maalinta dhalinyarada, wuxuuna Ubax Xasuus ah dhigay Taalada SYL.

Qaar ka mid gobolada dalka Soomaaliya ayaa maanta laga xusay 15-ka May oo ah maalintii la Aasaasay Ururkii dhalinyaradaii gobanimadoonka Soomaaliyeed ee SYL.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST