Shaqo joojin lagu sameeyay Agaasimaha hay,adda socdaalka Puntland

Dikreeto kazoo baxday Xafiiska Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng Cabdixakiin Camay ayaa maanta shaqada looga joojiyay Agaasimaha guud ee Hay,adda socdaalka iyo jinsiyadaha Puntland Maxamuud Faarax Ashkir ka dib markii lagu eedeeyay shaqo xumo.
 
Agaasimaha shaqada laga joojiyay waxaa la magacaabay 02 April 2017, waxaana lagu sheegay dikreetada inuu si kumeel gaara shaqada usii wadayo Agaasime kuxigeenka Hay,adda Cabdikariin Maxamed Faarax (Dhagaweyne).
 
Qoraalka kazoo baxay Xafiiska kusimaha Madaxweynaha Puntland ayaa lagu socodsiiyay hay,addaha kala ah Wasaaradda Amniga,Wasaaradda Maaliyadda, Xafiiska Xisaabiyaha guud ee Dowlada, Hanti dhawrka iyo Taliska ciidanka booliska Puntland.
 
Akhri dikreetada Madaxweynaha

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST