Shaqaalaha rayidka ah ee Puntland oo Tababar uga furmay Garoowe

Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha dawladda Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe Tababar uga furtay Shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Puntland, tababarkaas oo lagu qabtay Jaamacadda Puntland State University (PSU).

Shaqaalahaan tababarka loo furay ayaa isugu jirey Madaxqaybeedyo iyo Agaasime waaxeedo kuwaas oo tiradoodu kor u dhaafayso 180 qof isla markaana ka kala hawl-gala xarumaha dawladda ee dhammaan gobollada Puntland.

Tababarkaasi oo socon doono muddo 10 beri ah ayaa ah mid diiradda lagu saari doono sidii kor loogu qaadi lahaa tayada aqooneed ee shaqaalaha dawladda iyadoona lagu tababari doono shaqaalaha aqoon la xiriirta qofwalba iyo shaqada uu hayo.

Waxaana bixin doona tababarka khuburo isugu jirta Soomaali iyo Ajaanib kuwaas oo ay qayb ka yihiin Macallimiinta Jaamacadda PSU, iyadoona shaqaalaha tababarka loo qabanayo ay ka kooban yihiin boosaska HR, Finance, Procurement, M&E, ICT iyo Policy Planning and Research ee dhammaan xarumaha kala duwan ee dawladda.

Masuuliyiintii xafladda furitaanka tababarka kasoo qayb gashay ayaa waxaa kamid ahaa Wasiir kuxigeenka Beera, Wasiiru-dawlaha Qorshaynta, Wasiir ku-xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha Qaybteeda dhallinyarada iyo ciyaara iyo agaasimaha hay’adda maamul wanaagga.

Dhammaan Masuuliyiintaas ayaa kula dardaarmay shaqaalihii tababarka loo furay inay ka-faa’iideystaan aqoonta la bari doono isla markaana ay uga faa’iideeyaan shaqaalaha kale ee aan fursaddaan oo kale helin sidoo kalena looga fadhiyo markay xarumohooda ku laabtaan inay wixii la baray ku dabakhaan shaqada xafiisyada.

—Dhammaad—