Saddex caruur ah oo biyo kula tageen Gobolka Nugaal.

Saddex caruur ah ayay biyo kula tageen daadad kusoo rogmadey deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal sida uu u xaqiijiyay warbaahinta PUNTLAND POST Gudoomiyaha Degmada Buurtinle Maxamed Buurdubi oo sheegay in deegaanka Reedable oo hoosyimaada Degmada Buurtinle saddex caruur ah oo labo walaalo yihiin biyo kula tageen.

Gudoomiye Buurdubi ayaa sheegay in meydkooda maanta lagu aasay magaalada Buurtinle caruurtan oo da,doodu u dhaxayso 7, 8 ilaa 9 sano jir, Halka uu sheegay inay soo badbaadiyeen ilaa 7 qof oo kale oo daadadka biyaha ka korey geedo.

Roobabkii ka da,ay habeen ka hor deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal ayaa ahaa kuwii ugu xoog badnaa taariikhda inta laga war hayo 10-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaana si weyn ugu diirsadey dadka iyo duunyadaba.

Dhagayso wareysi uu siiyay Gudoomiyaha Buurtinle PUNTLAND POST

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST