Ra’iisul wasaare Kheyre oo ka qeyb galay shirkii Doha Forum

Ra’iisul wasaarah xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta magaalada Doha ee dalka Qadar uga qeyb galay shirkii Doha Forum, kaas oo looga hadlayey iskaashiga xasilinta dhinacyada Siyaasada iyo dhaqaalaha.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo shirka khudbad ka jeediyey ayaa caalamka ugu baaqay in Soomaaliya aan indhaha laga qaadin maadaama ay daruufo badan soo daashadeen oo hada ay tahay fursad dhab ah oo garab lagu siin karo.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in Qaxootiga Soomaalida ay heysato daruufo adag oo ay qabaan intooda badan, sidaa darteedna caalamku uu Il gaar ah ku eego.

Dhanka kale Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa la kulmay Ra’iisul wasaaraha Qadar Lubnaan Sacad Rafiiq Al-xariiri waxayna kawada hadleen iskaashiga labada dal sidii loo xoojin lahaa.

Liban Yusuf

PUNTLAND POST