Daawo:-Xildhibaan ku baaqay inaan la fara-galin dastuurka Puntland

Gudoomiye kuxigeenka guddiga arrimaha bulshada baarlamanka Puntland Xildhibaan Maxamed Axmed Jaceyl oo maanta wareysi siiyay PUNTLAND POST  ayaa ka hadlay dooda maalmihii lasoo dhaafey ka taagan in la furo kordhinta tirada kuraasta baarlamanka Puntland oo ka kooban 66 mudane.

Xildhibaan Maxamed Axmed Jaceyl ayaa ku tilmaamay qaabka hadda wax u socdaan mid keenaya fowdo iyo qalalaase siyaasadeed Islamarkaana ay ka horeyso faragalin lagu sameeyo dastuurka in heshiis laga dhex sameeyo Issimada Puntland oo uu sheegay khilaaf ka dhex jira qaarkood.

Xildhibaanka ayaa uga digay Madaxda Puntland inay faragaliyaan arrimo keenaya khilaaf hor leh, wuxuuna carabka ku dhuftay in tirada baarlamanka lagu kordhin karo labo siyaabood oo mid tahay in afti dadweyne lagu kordhin karo  tirada kuraasta Xildhibaanada, wuxuuna sheegay in gollaha wakiilada looga baahan yahay inay ilaaliyaan shuruucda dalka u degan.

Daawo wareysi wariye Abshir Dhiirane la yeeshay Xildhibaan Maxamed Axmed Jaceyl.

Garowe

PUNTLAND POST