Roob mahiigaan ah oo xalay ka da,ay Caasimada Puntland

Waxaa xalay qabtey deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal roob mahiigaan ah oo da,ayay saacado badan, waana roobkii ugu xooganaa tan iyo intay curteen roobabka Gu,ga.

Jawiga roobka ayaa ahaa mid biyo badan leh, Onkod, Hilaac iyo Qabow yar wata, wuxuuna si xoogan u qabtay roobku magaalada Garowe iyo dhinacyada hareeraha ka xiga, wallow uu kusii fiday dhul balaaran oo aan wali xog fiican laga hayn.

Roobkan ka da,ay magaalada Garowe ayaa kusoo beegmaya xilli %60 abaar ka jirtay deegaanada ku yaala Gobolka Nugaal.

Dadweynaha ayaa si weyn ugu faraxsan raxmada Eebe ee cirka uga soo hoortay, kuwaas oo qof kasta oo ka mid ah uu ku shukrinayo.

Daawo warbixin uu diyaariyay Wariye Abshir Dhiirane intii uu roobku da,ayay

Garowe

PUNTLAND POST